Booliska Muqdisho oo soo qabtay rag baxsad ka ahaa kiis

Booliska Muqdisho oo soo qabtay rag baxsad ka ahaa kiis

Muqdisho (Hornlife) — Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay saddexda nin oo muddo baxsad ahaa, oo lagu raad-joogay.

Raggan oo mid kamid ah uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa loo haysta dilka wiil yar oo Arday ahaa oo 18 Jir ah, kaasi oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Cabdi Isaaq.

“Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo hawl-gallo kala duwan sameeyey ayaa ugu dambeyn waxaa u suurto-gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Eedeysanayaashan, ayaa magacooda la shaaciyay iyagoona ka kooban saddex xubnood.

  1. Cabdi Axmed Cadow (Maleeshiya)
  2. Axmed Maxamed Raage (Qataatow) – Askariga CXDS.
  3. Farxaan Aadan Nuur (Maleeshiya)

Dilka wiilka yar ee ay ku eedeysan yihiin saddexdan nin ayaa dhacay taariikhdu markey ahayd 10-ka April 2024, abaaro 11:45PM oo ku beegnayd habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada Deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka Garas baalley, sida uu shaaciyay.

“Waxaas halkaas xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa” ayaa lagu yiri mar kale.

Eedeysanayaashan ka kooban saddexda rag ayaa saacadaha soo socda la horgeeyn doonaa maxkamadaha shaqada ku leh, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska guud ee booliska gobolka Banaadir.