Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu toogtay.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu toogtay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan School Boliisiyo lagu tooktey nin la sheegay inuu ahaa Gaashanle dhexe oo katirsan boliiska Soomaaliyeed.

Aadan Biit ayaa lagu magacaabi jirey balse arinta yaabka leh ayaa ah in kooxda hubeysan ee falkan fulisey ay ka baxsadeen goob kamid ah meelaha ugu ammaanka badan .

Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Aadan Biit ayaa dilkiisa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarjajab gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Iskool buluusiya.

Aadan Biit ayaa si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu ka shaqeyn jiray.

Ciidanka Booliska iyo Nabadsugida ayaa howlgallo lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay ka wadda Xaafadda uu dilka ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.