Muqdisho (Raxareeb) — Taliska booliska Soomaaliya ayaa fqah faahin ka bixiyay xaaladda guud ee dalka iyo shaqaaqooyinkii dhacay toddobaadkan, halka uu marayo murankii dhulka Dab Demiska ee dadka lagu dilay iyo arrimo kale oo badan.
Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) afhayeenka booliska oo galabta shirjaraa’id siiyay warbaahinada qaar ayaa sheegay dadka deggan dhulka Deb-damiska aagga Banaadir, loo qabtay muddo dhanka toddobaad uu hadda dhammaaday ka bar wakhtiga loo qabtay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii loo diray ciidamada Haramcad, halkaasi si ay uga barakiciyaan dadka deegaanka kuwaas oo markii danbe ka geeystay gabood fallo, xun halka ay dileen askari waardiye ka ahaa ceel biyoodka xaafaddaasi.
Dadka deggan dhulkaasi ayaa u badan beesha Sacad, ee Habargidir, ayaa ku adkeystay in ninka dhintay uu gacantiisa ku dilay Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu magacaabo Cabdixamiid Fanax.
Dilka marxuumka ayaa sababay bannaanbaxyo xooggan oo is qabsaday xarunta ciidamada Haramcad Seybiyaano illaa iyo Banaadir Isgoyska, halkaas oo bannaanbaxayaashu dalbanayeen caddaalad.
Arrinta dhulkaasi oo cirka isku shareertay ayaa waxaa isku soo baxay matala beeshaasi, ee golaha Baarlamaanka, kuwaas oo ballan qaaday inay u raadin doonaan xuquuqdooda.
Doodishe, afhayeenka booliska ayaa sheegay in laga wada hadlay dhupkaasi oo dadka deggan muddo toddobaad kadib ay baneen doonaan, sidoo kalena laga hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay halkaasi.
“Dadka daggan Dhulka Dab-damiska ee Booliska Laba Isbuuc ayaa loogu daray inay ku guuraan hal Isbuuc ayaana u dhamaaday, waxaan mar kale si sharaf leh uga codsaneynaa inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama hey’addii dhulkaas laheyd ay diyaar u tahay inay ku shaqeyso oo la wareegto,” ayuu yiri afhayeenka.
Afhayeenka Booliska, gaashaanle Sadiiq Doodishe, ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo ay ka socdaan gobollada dalka iyo caasimadda kuwaas oo iska kaashanaya daraawiishta maamul goboleedyada iyo Booliska, ay ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.