Soomaaliya oo hoggaaminaysa dalalka ugu masuqmaasuqa badan Caalamka

Soomaaliya oo hoggaaminaysa dalalka ugu masuqmaasuqa badan Caalamka

Muqdisho (Raxanreeb ) Hay’adda caalamiga ah ee daahfurnaanta adduunka  ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI).

Xogtan oo ay sanad walba baahiso hay’adda caalamiga ah ee Transparency ayaa xogtedii ugu dambeeysay ee (Corruption Perception Index) galisay Soomaaliya kaalinta 180-aad halka ay kaalinta 179-aad gashay Venezuela, kaalinta 178-aad na Suuriya.

Dhinaca kale waxaa kaalmaha  ugu horreeya ee dalalka ugu Musuq Maasuqa yar kala galay  Denmark oo ugu horreysa, Finland iyo Denmark oo ku sii kala xiga.

180 dal ayey Transparency qiimeysaa sanad walba.

Hayaddu waxay sheegtay in dalka Denmark uu yahay dalka ugu musuq-maasuqa yar. Denmark ayaa sanadkii lixaad oo xiriir ah ku soo baxday kaalinta koowaad, iyadoo heshay 90 dhibcood.

Dalka Hungary ayaa sanadkii labaad oo toos ah lagu qiimeeyay dalka ugu musuqmaasuqa badan Midowga Yurub, sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ah ee CPI.

Leave a Reply

Your email address will not be published.