Toronto (Raxanreeb) — Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso qiimaha maciishadda dulsaaran iyada oo gaarsiineysa 7% (Boqolkiiba Todobo) lacagaha Dowladda ay ka qaado sida lagu sheegay war kasoo baxay Dowladdaas.
Go’aankaan Waxaa ka dhashay hadal-heyn badan maadaama sarifka Doollar Canada uu cirka isku shareeray, waxaana intaas dheer shaqo yarida ka jirta Dalkaas wixii ka dambeeyay bartamihii 2020 oo xayiraad loosoo rogay kahortagga Faafitaanka Covid-19.
Dowladda oo raadineysa in ay kordhiso dhaqaalaha ay ku kabeyso dakhliga uga baxay lacagta ay bixisay xiligii xayiraadda Covid-19 ayaa kusoo rogtay maciishadda iyo badeecadda sida ay sheegeen qaar kamid ah aqoonyahannada dhaqaalaha.
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Canada ayaa ku warramay in Is baddelkaan uu dhibaato ku yahay maadaama lacagaha ay ku shaqeeyaan, kirada ay bixiyaan & taakulada ay siiyaan ehelkooda ay saameeneyso.
“Qiimeynta la sameeyay oo la qiimeeyay waxaa waaye nolosha Dadka Canadian-ka ah ee ku kooban 4ta ruux ee aan lacag dibadda u diran waxaa ka saameyn badan Soomaalida oo haddii uu qoys ku yahay oo ay wada nool yihiin 10 ruux waa kaaf iyo kala dheeri” Sidaasi waxaa yiri Axmed Cabdi oo kamid ah Soomaalida degen Canada.
Suuban Faytaan waxa ay aaminsan tahay in Soomaalida kunool Canada in qoys weliba uu u dhaxeeyo 5 illaa 10 ruux, taasina ay saameyn taban ku reebeyso mar haddii lagu kordhiyay lacagaha oo macashiidda sii siyaadeyso.
“Qiyaasta la sameeyay ee Soomaalida waxa ay u badan tahay 5 ilaa 10 carruur inta aan la socda balse waxaa jira qaar kale oo dhalay 8, 10 ama carruur kasii badan, waxa soo galaayo waan ognahay, qoysas badan ayaa hela 30 kun ama 40 kun, waxa ay ka bixiyaan guri ijaar ah (Kiro ah), marka ay maciishaddu korodho waa arrin xasaasi ah” Suuban Faytaan oo kamid ah Dadka u dhaqdhaqaaqa Soomaalida kunool Canada.
Mid kamid ah Goobaha Caafimaadka Canada ayaa u xirmay shaqaale la’aan, waxa ay taasi dhalisay in xarumaha qaar ay ku yaraadaan shaqaalaha maadaama lacagaha ay qaadanayaan qiimaha ka dhacay.
Leave a Reply