Muqdisho (Raxanreeb ) Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud...
Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan , Caafimaadiisa & Ololaha Doorasho
Istanbul (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Turky-ga ayaa lagu soo waramayaa in ay la so deristay xaalad caafimaad oo saamayn doonto ololahiisa doorashada. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa . “Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad...
Xilka miyaa laga qaadayaa Generaal Odawaa Yuusuf Raage ?
Muqdisho (Raxanreeb ) Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in la bedelo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa aad u xoogaystay saacadihii la soo dhaafay suurtagalnimada in meesha laga saaro Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ka mid ah saraakiisha la soo shaqaysay maamulkii...
LIIBIYA : Muhaajiriin Afrikan ah oo ku dhintay doon ay saarnayeen
Liibiya (Raxanreeb ) In ka badan 55 qof ayaa geeriyootay dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM. Waxaa ku jira dadka masiibadu ay haleeshay caruur iyo haween, kuwaas oo qayb ka ahaa safarka qatarta badan ee muhaajiriintu ay ku...
Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay ‘walxa qarxa iyo ninkii waday’
Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen degmada Deyniile kusoo qabtay walxaha qarxa iyo ninkii waday, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.
Guddi loo saaray Soomaalida ku go’ doonsan Suudan
Muqdishu (Raxanreeb ) Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, kaasi oo lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan. Wasiirka...
Shir ku saabsan “aayaha” ATMIS oo ka furmaya Kampala
Kampala (Raxanreeb) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu ka ga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda. Madaxda...
Taliban oo dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish
Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay qaraxii lagu hoobtay ee sanadkii 2021-kii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, ayaa waxaa dilay maamulka Talibanka ee xukuma dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.
Midowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ay ku kacayso lacago fara badan
Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro.
Wasiirka Caafimaadka DFS oo Hindiya kaga qeyb galaya shirka ‘Caafimaad mid ah’
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada New Delhi ee caasimadda Dalka Hindiya si uu uga qaybgalo Shirka ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Dalkaas.








