Muqdisho ( Raxabreeb ) Banaanbax ka dhan ah Hay’ adda NISA iyo Taliyaha Hay’adaas Mahad Salaan ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco magaalada Muqdisho. Banaanbaxan waxaa horkacaya ehelada Taliyihii hoggaanka Hay’ adda NISA Cabdullaahi dheere oo ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaaday hoygiisa halkaas oo ay ka kaxaysteen eheladiisa. Qalan qaabada Banaanbaxa...
Dab xooggan oo ka kacay xarun muhaajiriin lagu hayo oo ku taalla Mexico
Dab xooggan oo dhimasho sababay ayaa ku faafay xarun lagu hayo muhaajiirinta oo ku taalla magaalada Ciudad Juárez oo saaran xadka Mareykanka iyo Mexico.
Maamulka gobolka oo $69,000 siinaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkii..
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay dhaqaale loo qorsheeyey in la siiyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.
MUQDISHO : Waxba iskama bedelin amniga bisha Ramadaan
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan & markii la guda galay bisha barakaysan ee Ramadaan xoojiyay – howlgalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga caasimadda. Ciidanka ku guulaystay , intii ay wadeen howlgaladan in albaabado u laaban goobo badan oo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya isla markaana xabsiga dhigay dad...
Kooxaha Diimaha Kenya oo booqday kaniisad iyo masaajid la gubay xalay
Golaha Diimaha ee Kenya ayaa booqday xaafadda isku raranta Kibra ee magaalada Nairobi halkaas oo habeenimadii Isniinta lagu gubay Kaniisad iyo dhismayaal madarasad oo ku yaallay Masaajid ku dheggan kaniisadda.
Saraakiisha la shaqaynaysay Farmaajo oo beegsi lagu bilaabay
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka tirsan Hay’adda NISA ayaa weerar ku qaaday guriga Taliyihii hore ee daba-galka Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho , isla markaana hoyga ka kaxaystay qaar ka mid ah ehalada Taliyaha Cabdullaahi Dheere. Xiliga weerarka uu dhacayay Cabdullaahi Dheere ayaa ku maqnaa dalka dibadiisa , ilaa iyo haddan lama sheegin sabab rasmi ah...
Sucuudiga oo balaayiin dollar ku maalgashanaya dalka Shiinaha
Shirkadda weyn ee shidaalka soo saarta ee ay leedahay dawladda Sucuudigu ee Aramco ayaa maalgashi ballaadhan oo ku kacaya balaayiin doollar ku samaynaysa dalka Shiinaha, taas oo ay ka mid tahay, inay dalkaas ka dhisaan wershedo shidaalka safeeya, sida ay shaacisay shirkaddani.
DHALIIL CUSUB : DFS oo isku koobtay howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.
Muqdisho (Raxanreeb) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ay bilowdo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka. Waxaa soo baxaya dhaliilo hadda loo jeedinayo howlgalada Dowladda ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab oo wali ah awood jirta oo ka...
Nairobi oo caga badan ku taagnayn & Soomaalida oo farta wadnaha ku haya
Nairobi(Raxanreeb ) Mucaaradka Kenya oo ka hadlay go’aan ka soo baxay booliska xilli maanta laga cabsi qabo dibad baxyo. Mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay dhacaan inkastoo booliska ay ka digayaan in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah. Mudaaharaadyada ayaa billowday todobaadkii hore,...
Shaqo joojintii ugu weynayd oo ay sameeyeen shaqaalaha Tareenada Basaska iyo Diyaaradaha ayaa ka dhacday Jarmalka
Garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada basaska iyo tareenada ee Jarmalka ayaa hakad galay subaxnimadii isniinta, ee saakay taasoo keentay khalkhal, tobannaan sano ka dib markii ilaha dhaqaalaha ugu weyn Yurub ee ay ka soo kabanayaan sicir bararka.






