Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay wariyeen warbaahinta dalkaasi Axadda maanta ah, waana markii ugu horreysay ee uu booqdo magaaladan ay ciidankiisu qabsadeen kadib muddo dheer oo ay go’doomiyeen billowgii weerarka Moscow ee Ukraine sannadkii hore bishii February.
Dhul gariir ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Ecuador
Ugu yaraan 15 qof ,ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador.
Al-Shabaab oo weerar ismiidaamin ku billlowday ku qaaday xero ciidan oo ku taalla Baardheere
Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay weerar toos ah oo ay saakay Ururka Al-Shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere ee ka tirsan gobolka Gedo.
Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay suuq muhiim ah oo ku – yaala caasimadda
Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka aan ka helayno suuqa wayn ee suuq bacaad ayaa sheegaya in halkaas uu ka kacay dab xooggan oo khasaare gaystay isla markaana burburiyay goobo ganacsi Dabkan oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegay inuu ka bilowday asalkiisa Gaari TM ah, balse uu ku faafay in ka badan 12 Goobood oo...
Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo toogatay Labo Nin oo dilal gaystay
Baydhabo(Raxanreeb ) Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Saakay xukun Toogasho ah waxaa ay ku fulisay laba ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dil hore u geysteen. Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa mid kamid ah lagu soo oogay inuu dil u geystay xaaskiisa, halka kan kale uu hore u dilay...
Maxkamadeynta Imran Khan oo ka bilaabatay Pakistan
Maxkamadda Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa bilaabatay, iyadoo uu jiro bannaan bax weyn oo ay sameynayaan taageerayaashiisa.
Koox Ciyaal weero ah oo si arxan darro ah u dilay Sheekh caan ahaa
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil arxan darro ahaa oo ay xalay koox ciyaal weero ah ka geysateen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Cavusoglu oo booqanaya Masar kadib 10 sano oo xiisad diblomaasiyadeed ah
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sabtida maanta ah u safri doona magaalada Qaahira, safarkaas oo muujinaya inuu iftiimayo cilaaqaadka u dhexeeya labada dal toban sano kadib markii xiriirka diblumaasiyadeed uu jaray afgambigii madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo xulufo la ahaa Ankara.
Puntland oo sheegtay sababta ay uga hartay shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu soo geba-gebeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, halkaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed.
MD Xasan Sheekh ‘’Raali kama ihi mana ka noqon doono xaaladda Laascanood ‘’
Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu xun- yahay in sii socoshada dagaalka dhiiga badan ku daadanaya ee ka socda magaalada Laasacnood. Madaxwaynaha ayaa sheegay in la joogo waqtigii wada – hadal lagu dhameyn lahaa xiisada ka taagan magaalada Laasacnood oo uu yir waa in lagu dhameeyo wada-...






