Al-Shabaab oo weerar ismiidaamin ku billlowday ku qaaday xero ciidan oo ku taalla Baardheere

Baardheere (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay weerar toos ah oo ay saakay Ururka Al-Shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere ee ka tirsan gobolka Gedo.

Weerarkan oo ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah, ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka Al-Shabaab.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 5 qof oo isugu jiro askar iyo tababarayaal lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay la wareegtay xerada, kadibna ay dishay malleeshiyaad ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya gudaha degmadaas iyo hareeraheeda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi ee Al-Shabaab ku qaadeen xerada Baardheere.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday guriga martida ee degmadaas, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka waxyeellada kasoo gaartay kamid ahaa guddoomiyaha Gedo, Axmed Buulle Gareed oo dhaawac kasoo gaaray.