Baydhabo(Raxanreeb ) Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Saakay xukun Toogasho ah waxaa ay ku fulisay laba ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dil hore u geysteen.
Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa mid kamid ah lagu soo oogay inuu dil u geystay xaaskiisa, halka kan kale uu hore u dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Tooshada ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, labada kiis ee lagu soo oogay Ragga la toogtay ayaa ka dhacay magaalada.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa muddooyinkii dambe waday fulinta qisaasta dad lagu soo eedeeyay in ay dilal kale duwan ay geysteen iyo kuwa ka tirsanaa Al-shabaab.
Xabsida Dowlada waxaa weli ku xiran xukun sugayaal ku kala eedeysan in ay geysteen dilal ka dhan ah Dad rayid ah, Mas’uuliyiin Dowladeed & Askar ay shaqo wadaag ahaayeen, halka Maxkamadda CQS ku howlan tahay dhageysiga kiisas kale oo loo gacan-geliyay.
Leave a Reply