Muqdisho (Raxanreeb) Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku gubay waxyaabaha Muqaadaraadka oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka ka sameyeen xaafadaha qaar ee G/Banaadir. Waxyaabaha la gubay ayaa ka koobnaa Xashiish calaq iyo cirbado sidoo kale waxaa la soo bandhigay illaa 4 ruux oo ku eedeysan ka ganacsiga Maandooriyaha. Booliska oo arintaan ka hadlay ayaa...
Imran Khan oo sheegay in gurigiisa la bililiqaystay
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa sheegay in gurigiisa la bililiqeystay.
Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal ridada dhexe ah
Kuuriyada Waqooyi, ayaa gantaal riddada gaaban u ridday dhanka badda oo ka baxsan xeebaha bari ee gacanka Kuuriya Axaddii.
Somaliland ‘’Maxaabiis aan ku qabanay dagaalka Laascanood ayaa ku xukunay dil‘’
Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in 9 maxbuus oo ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood ay soo taagtay maxkamad milateri, waxaana lagu soo eedeeyey qodobada 184, 185, 187aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ka hadlaya inay Khiyaano-Qaran sameyeen, cadow la safteen kuna soo duuleen wax logu yeeray Qaranimada Somaliland. Maxkamadda ayaa dhamaan maxaabiistan dil...
Kalfadhiga labaad Golaha Aqalka Sare oo maanta la soo xiray
Muqdisho (Raxanreeb ) Kalfadhiga labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo xiray sida lagu sheegay qoraal goor dhow ka soo baxay Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha aqalka sare. Qoraalka ayaa lagu sheegay in kalfadhigan oo furmay 15kii Novembar ee sanadkii hore ayaa mudadii uu socday waxaa la horkeenay laguna asixiyey...
Cabdiraxmaan Cali iyo Yaasiin Maxamed oo ‘’lagu toogtay ‘’ Baydhabo
Baydhabo (Raxanreeb ) Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaar ahaan qeybta 60aad ayaa saaka mar kale magaalada Baydhabo ka fulisay xukun dil qisaas ah. Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey ayaa saaka lagu toogtay Cara tuurka Baydhabo Raggan ayaa horey u geystay dilal kala duwan, waxaana fagaaraha lagu...
Dowladda Federaalka miyay bixin la’dahay mushaarka ciidanka ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad mushaar la’aan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Seddaxdii bile ee la soo dhaafay waxa la sheegay in ciidanka Dowladda aysan helin wax xuquuq ah , lamana oga sababta arintaas keentay. Dhawaa ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gadood xaga mushaaraadka ah waxa ay...
MUQDISHO : Askar ku geeriyootay dagaal ciidanka DF ku dhaxmaray Deyniile
Muqdisho (Raxanreeb ) Iska hor imaad khasaare gaystay ayaa caawa ka dhacay degmada – Dayniile ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadkan ayaa dhaxmaray ciidamo ka wada- tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii laba qof oo ka mid ahaa ilaalida masuuliyiin ka tirsan degmada Dayniile dadka...
Maxay ka wada- hadleen RW & Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ?
Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Al Shabaab....
WARBIXIN | Sidee isugu -soo dhawaatay siyaasadda KGS & tan MD Xasan
Baydhabo (Raxanreeb ) Isbedel ayaa ku yimid siyaasadda maamulka Kmoonfur Galbeed ee Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana jira isfaham xagga siyaasadda ah. Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu aad ula dhacay habka siyaasadda cusub ee Madaxwaynaha maamulka – koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen. Siyaasadaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda u muuqata...









