Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay suuq muhiim ah oo ku – yaala caasimadda

Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay suuq muhiim ah oo ku – yaala caasimadda

Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka aan ka  helayno suuqa wayn ee suuq bacaad ayaa sheegaya in halkaas uu ka kacay dab xooggan oo khasaare gaystay  isla markaana burburiyay goobo ganacsi

Dabkan oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegay inuu ka bilowday asalkiisa Gaari TM ah, balse uu ku faafay in ka badan 12 Goobood oo Ganacsi.

Ganacsatada qaar oo aan la – hadalnay ayaa sheegay in hanti badan ay ku waayeen , dabka ka kacay suuqa labaad ee ugu wayn magaalada Muqdisho ee suuq – Bacaad.

Gawaarida kuwa Gurmad ah ayaa markii dambe gaaray halka uu ka kacay dabka kuwaas oo muddo dheer ka dib damiyay  goobihii gubanayay.

Magaalada Muqdisho meelo badan oo ku yaala ayaa sidan oo – kale uu  marar badan ka kacay dab khasaare fara badan gaystay  kuwaas oo aan wali soo kabsan.

Dhawaan ayay ahayd markii dab xooggan uu ka  kacay goobo ganacsi oo  ku teedan isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho , halkaa soo ay ku baa’baday hanti badan .

Si kastaba waxaan maamulka gobolka Banaadir wax xal ah ma uusan u geenin dabka fara badan ee ka kacay goobaha ganacsi ee isku raranka ah ee caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.