Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Baarlamaanka Yurub oo soo faro-geliyey kiiska nin Soomaali ah oo xukun adag lagu riday
Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta maanta ah kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiiskan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday.
DF oo sheegtay xubno katirsan Al-Shabaab inay dileen
Wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay warsaxaafadeed kasoo baxay ay ku sheegtay in xubno katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo NISA iyo saaxiibbada caalamiga ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamo kabaxay Muqdisho oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo
Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka amababaxay magaalada Muqdisho ee ayaa maanta safar dhanka dhulka ah waxa ay ku gaareen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Jubbaland oo billowday abaabul ka dhan ah Al-Shabaab
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa ka billowday abaabul ka dhan ah howlgal lagu ciribtirayo Ururka Al-Shabaab ee ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland kuwaasi oo ay doonayaaan inay kula wareegaan deegaannada ay gacanta ku haayaan Al-Shabaab.
Afartan qof oo ku dhimatay shil gaadhi oo ka dhacay dalka Senegal
Illaa afartan qof ayaa dhintay halka ay dhaawacmeen illaa 85 qof oo kale ka dib shil gaadhi oo ka dhacay gobolka Kaffrine ee dalka Senegal. Shilkan gaadhi ayaa ka dhashay ka dib markii ay xilli habeenimo ah isku dhaceen laba bas oo waaweyn.
Ciidankii Eratria lagu soo tababaray oo hubkii laga – qaaday oo xerada Gordon lagu weeraray.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Weerar xooggan ayaa caawa lagu qaaday ciidankii dhawaan lagu soo tababaray dalka Eratria ee ku sugan xerada Gordon ee magaalada Muqdisho. Weerar u badnaa bambaanooyin ayaa la xaqiijiyay in ciidankan caawa lagu qaaday , inkastoo aan la sheegin wax khasaare oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay. Saraakiil ku sugan...
Dowladda Federaalka oo hub kala wareegtay Dowladda Mareykanka.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka Danab. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa munaasabadda ay ku wareejinayeen hubka, agab ciidan iyo gadiidka ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen xoojinta la dagaallanka...
Waqtiga & amniga shirka dib u Heshiisiinta KGS oo laga shiray.
Raxanreeb ( Baydhabo ) Guddiga Farsamada Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kala hadlay sugidda amniga goobta uu shirka ka furmaayo iyo goobaha ay degi doonaan martida imaan doonto. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yusuf Xasan...
Shil gaari oo ka dhacay Shiinaha oo sababay dhimasho iyo dhaawac
19 qof ayaa dhintay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo Axadda manta ah ka dhacay gobolka Jiangxi ee bariga Shiinaha, sida ay warbaahinta dalkaasi wariyeen.

