Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya iska hor imaad khasaaro geystay oo ka dhacay aagga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay tallaabadii ay qaadday Puntland
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka keediyay shirka arrimaha Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dhowan kasoo baxay Puntland ee ay ku shaacisay inay u dhaqmeyso, sida dowlad ka madax bannaan oo kale.
Xamse Barre: Waxaan Al-Shabaab ka xirnay 250 akoon oo ay afar bangi ku lahaayeen
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday maleeshiyada Al-shabaab.
Shirka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya Shirka Sanadlaha ah ee looga hadlayo Garsoorka Dalka waxaana diiradda lagu saarayaa dhowr qodob sida lagu sheegay war hordhac ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka.
Ciidamada badda Mareykanka oo qabtay markab hub ah
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 2,100 oo qori oo ah kuwa darandoorriga u dhaca markab marayay gacanka Cummaan oo ay rumeysan yihiin in uu ka yimid Iran una socday Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Talaadadii.
DF oo sheegtay in labo horjooge Al-Shabaab ah howlgallo qorsheysan ku dileen
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wiilka Soomaaliga ah ee go’aansaday in uu is dilo iyo xaaladdii qabsatay
Xanuunka welwelka oo afka qalaad lagu dhaho “depression” waa mid caan ka ah dunida oo dad badan ay la dhibaatoodaan. Dadka uu faraha ba’an ku hayo waxaa ka mid ah Soomaali badan oo isugu jira kuwo qirbo jog ah iyo qaar dalka gudihiisa ku sugan.
Somaliland oo ku dhawaaqday inay heshay shidaal
Somaliland ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex, sida uu shaaciyay wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland, Cabdillaahi Faarax Cabdi.
Maxay ka wada hadleen labada Ra’iisul Wasaare Soomaaliya iyo Masar
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar Mostafa Madbouly waxa ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim u ah labada Dowlad sida lagu sheegay war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.
Maamulka Wajeer oo dalbaday in gacan laga siiyo sidii looga hortagi lahaa cudurka Daacuunka
Maamulka Ismaamulka Wajeer ayaa walaac ka muujiyay kiisaska laga diiwaangeliyay cudurka Daacuun Caloolaha oo gaaray in ka badan 115 qof oo qaarkood weli la ildaran yihiin lana jiifay goobaha caafimaadka si looga daweeyo xannuunkaas ku dhacay.


