Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrinta muddo kororsiga ee lagu eedeynayo isaga iyo saaxibadiisa haatan haya talada maamulkaasi.
Mareykanka oo xabsiga kasii daayay haweeney aheyd ‘basaas caan ah’
Ana Montes- oo kamid aheyd basaasiintii ugu caansanaa dagaalkii qaboobaa ee uu qabtay Mareykanka ayaa laga sii daayay xabsiga kadib 20 sano ay ku xirneyd halkaas.
DF oo ka war bixisay wada hadalka Al-Shabaab
Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Al-Shabaab, gaar ahaan in dowladda federaalka ay wada-hadal la galeyso kooxdaasi.
RW Xamse Barre & ujeedka safarkiisa Masar.
Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar. Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah...
Faahfaahinta dagaal ka dhacay Bariga iyo Koonfurta Laascaanood.
Laascanood (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascanood ayaa sheegaya halkaas uu ka dhacay dagaal khasaare gaystay. Dagaalka ayaa ka danbeeyay ka dib markii , kooxda dadka deegaanka weerar ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa Bariga iyo Koonfurta Magaalada Laas-Caanood. Goobaha iska hor imaadyada ay ka dhaceen ayaa lagu soo...
Wariyeyaal loo xiray muuqaal laga baahiyay Madaxweyne Salva Kiir
Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay sii daayaan lix wariye oo la xiray ka dib markii la baahiyay muuqaal la sheegay in uu muujinayay madaxweyne Salva Kiir oo isku kaadinaya.
Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dagaalamayay xilligii doorashada oo la taliye loo magacaabay.
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka...
Waa kuma xildhibaanka ku guulaystay Guddiga Dastuurka ?
Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ka qayb galay doorashada Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye...
DABAGAL : Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Beledwayne+Xaaladda
Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in halkaas ay ka qarax dad lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay. Hal Ruux ayaa geriyootay illa 3 ruux oo kalana waxaa soo gaaray dhawaacyo halkaas oo lagu weeraray koox dhallinyara ah oo cawaynaysay. Sida ay ku warameen goobjoogayaal halkaas...
XOGTA : Al- Shabaab & Dowladda oo wada-hadlaya & SABABTA keentay
Muqdisho (Raxanreeb ) meelo ka mid ah dalka waxaa ka soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al- Shabaab . Laamaha amniga Dowladda ayaa sheegaya in ciidanka dowladda horumar ay ka – gaareen dagaalka ka socdo gobolada qaar ee dalka . Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay maanta...


