Taliye Cismaan “Miriq miriqda ciyaalka ma aqbalaayo ” Amar cajiib ah .

Guraceel  ( Raxanreeb ) Taliska ciidanka Booliska degmada Guraceel ayaa amar cusub dul- dhigay caruurta fadhiisata derbiyada degmadaas.

Taliyaha Booliska Guraceel ayaa sheegay in la xiro doono laba caruur ama ka badan oo micno darro u fadhiista waddooyinka degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.

” aadbay inoo dhibaysaa mana arki karo laba caruur oo aan wax qaban la arag oo si micna la’ aan ah isaga fadhiya derbiyada degmada , talaabo adag ayaa laga qaadayaa ” ayuu yiri Taliye Cismaan.

Waalidiinta ayuu ugu baaqaTaliyaha in caruurtooda ay ka warhayaan oo ay u diraan goobaha waxbarashada ama howlaha kale ee muhiimka ah aan cidna ku dhaganayn hase ahaatee ay diidayaan in si aan micno lahayn isaga fadhiyaan waddooyinka degmada Guraceel .

” Ciidanka kama dhagana cunugii u socda waxbarasho ama dan kale oo qoyskiisa faa’ido u ah waxa na dhibaya waa cayaalka miriq miriq ku leh waddooyinka ” ayuu warkkiisa raaciyay Taliyaha.

Arintan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay sugida nabadgalyada deegaanada uu ka taliyo maamulka Galmudug .

Leave a Reply

Your email address will not be published.