Deni oo lakulmay James Swan oo muddo xileedkiisu dhammaaday

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo iyo dadaalada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.