Deni oo qaaday tallaabo yaab leh

Garowe (Raxanreeb) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay booqday taliska 54-aad ee ciidamada difaaca Puntland, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay taliska ciidamada difaaca.

Kulankaan ayaa waxa madaxweynaha ku wehlinayay guddi la-taliyaal ah oo u qaabilsan arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada, kuwaasi oo uu dhawaan soo magacowday madaxweyne Deni.

Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sheegaya in dhammaan howlihii ciidamada iyo maamulka miisaaniyaddoodii lagu wareejiyay taliyaha cusub ee Daraawiishta Jeneraal Abshir London.

Waxaa xusid mudan in markii hore howlaha ciidamada iyo tirakoobkooda ay gacanta ku hayeen guddigii dib-u-habaynta ciidamada Puntland, oo uu hoggaamiye u ahaa Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale waxa kulankan lagu gaaray in hadda kadib wixii la xiriira dhismaha ciidamada ay ka wada-shaqeeyaan taliyaha cusub ee Daraawiishta iyo la-taliyaasha madaxweynaha ee dhinaca difaaca.

La-taliyeyasha madaxweynaha ee arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada ayaa kala ah; S/gaas Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), S/gaas Yasiin Cumar Dheere, S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen, S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne) iyo S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.