DF oo sheegtay in dib loo furayo deegaannada ay go’doomiyeen Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Al-Shabaab dhibaato iyo gumeyso ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee kunool guud ahaan dalka.

Waxaa uu sheegay in dadka Somaaliyeed ay xilligaan fahmeen dhibaatada uga iaaneysa Ururka Al-Shabaab, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la isku furo degaannada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in loo baahan yahay xoojinta kacdoonka Bulsho ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda Kacdoon iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.