Gabar Soomaali ah oo lagu af-duubtay Koonfur Afrika

Cape Town (Raxanreeb) — Gabar yar oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in laga afduubtay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Delft oo ka tirsan magaalada Cape Town ee xarunta gobolka Western Cape.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika qaarkood ayaa tabiyay in gabar oo 15 sanno jir ah afduubteen kooxo burcad ah oo illaa hadda haybtooda la garaneyn, xilli ay ku sugneyd dukaan aabaheed uu lahaa.

Kooxda hubeysan oo ka kooban ilaa 5 nin ayaa la sheegay inay gudaha dukaanka galeen kana soo kaxeysteen Gabadhaan yar oo la sheegay in xilliga afduubka dhacayay aabaheed ku mashquulsanaa in adeeg gaari ka dejiyo.

Afhayeenka booliska gobolka Western Cape Ndakhe Gwala oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaaliyeed ay ka war heleen, islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin baaritaanka iyo sidii ay usoo celin lahaayeen.

Waxaa marar badan dalka Koonfur Afrika ka dhaca afduub loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood lacago madax furasho ah lagu soo daayo, hase yeeshe waxaa cusub in la afduubto caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.