Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjogayaal sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa weerarada hoobiyeyaasha ka dhaca Muqdisho tan iyo sannadkii 2023-kii.
Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqa horgayahan ayaa howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta ku saabsan horjoogaha iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii ilaadaha u ahaa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay NISA.
Geesta kale Hay’adda NISA, ma aysan shaacin magaca horjoogaha lagu dilay weerarka ka dhacay gobolka Shabeellah Hoose.
Leave a Reply