Iiraan oo aas u sameyneysa saraakiishii looga dilay dagaalka Yahuuda

Tehran (Raxanreeb Online) Aas qaran ayaa ka socda Iiraan oo loo sameeyay ku dhawaad ​​60 qof, oo ay ku jiraan taliyayaal ciidan iyo saynis yahnano nukliyeer ah, kuwaas oo lagu dilay dagaalka 12-ka maalmood socday ee ay kula jirtay Israa’iil.

Naxashyo lagu xardhay calanka Iiraan iyo sawirrada taliyayaasha dhintay ayaa waxaa hareero taagnaa dadweyne aad u badan oo ku dhow fagaaraha Enghelab ee bartamaha Tehran.

Colaadda ayaa ku dhammaatay xabbad-joojin horraantii toddobaadkan, ka dib markii Maraykanku uu si toos ah ugu lug lahaa duqaynta xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka ee Iiraan.

Dadka aaska loo sameeyay waxaa ka mid ah Mohammad Bagheri, oo ahaa sarkaalkii ugu darajada sareeyay militariga Iiraan, isla markaana ahaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan.

Dadweyne aad u tiro badan oo ku labisan dhar madow ayaa ku qeylinayay halku dhigyo, waxaana ay ruxayeen calanka Iiraan, waxaana ay haysteen sawirrada dadkii la dilay.

Aaska maanta oo Sabti ah waxaa sidoo kale kuwa loo sameynayo ka mid ah Hossein Salami, Taliyaha Guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, iyo sidoo kale tiro ka mid ah saynisyahanada nukliyeerka sida Mohammad Mehdi Tehranchi, oo ahaa madaxa Jaamacadda Azad ee Tehran.

Aaaskan ayaa kusoo aadaya ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu “gabi ahaanba” ka fiirsan doono inuu mar kale duqeeyo Iiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.