Istanbul (Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka furmay magaalada Istanbul, Türkiye.
Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha dalka Türkiye Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye. Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.
Halku-dhigga madasha ee ahaa: “Isku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahayn, ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood oo caalamka ah.
Leave a Reply