MW ku-xigeenkii labaad ee Jubbaland oo goordhaw ku geeriyooday dalka Kenya

MW ku-xigeenkii labaad ee Jubbaland oo goordhaw ku geeriyooday dalka Kenya

Nairobi ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa goor dhaw ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Geerida AUN Lugdheere waxaa noo xaqiijiyay xildhibaan Nadiif oo ka mid ah mudanyaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la sheegay Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere uu maalmahan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi.

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida marxuunka isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa Lugadheere masuul ay ka go’an tahay xal u helida dhibaatooyinka dalka ka taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.