Itoobiya oo shaacisay in culeeyso kaga yimid Soomaaliya

Itoobiya oo shaacisay in culeeyso kaga yimid Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Itoobiya oo qiratay in culeesyo adag kaga yimid dhanka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay heahiiskii is afgaradka ahaa ee dhexmaray maamulka Somaliland, iyo Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa.

Feysal Rooble, oo ah, aqoonyahay falanqeeya arrimaha gobolka, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay kasoo hoyisay guulo waa weeyn dhinaca diblumaasiyadda sidoo kalena ay heshay taageero baaxad weeyn Soomaaliya.

“Natiijada ugu muhiimsan waxaa weeye in dalal badan ay si dal ahaan arrintan Soomaaliya ku garab istaageen, Mareykanka ha noqoto, Ingiriiska, Sacuudiga iyo kuwa kale oo badan intaa waxaa dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub intuba inay Soomaaliya is garab taageen” ayuu yiri Faysal Rooble.

“Haddii uu garab istaaggu yahay wax weyn oo la tirsan karo maanta guushaas Soomaaliya waa ay haysataa” ayuu yiri mar kale, Feysal.

“Waxaa kale oo iyana saas oo kale culayskaas u qiratay Soomaaliya kusoo wajahday dowladda Itoobiya madaxweynaha dalkaas marwo Sahle-Work Zewde” ayuu yiri.

Ugu danbeeyntii Feysal ayaa hoosta ka xarriiqay in ay guushaan xooggan dedaallada xooggan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,  u gashay kaasoo culeeysyada dhanka dibedda ku abuuray Itoobiya.

Ayuu yiri mar kale Feysal, “ololihii ay dowladdu gashay natiijadeeda waynu aragnaa, maadaama ay Itoobiya, qiratay inuu culays wayn saaran yahay”.

“Adduunka wuu ictiraafsanyahay Soomaaliya, cedday doonto kuma kadsoomi karto, laga soo billaabo Jabuuti illaa iyo Kenya Badda iyadaa iska leh” ayuu yiri.