War ku soo kordhay diyaarad Helicopter  ah oo  u gacan gashay Al- Shabaab.

War ku soo kordhay diyaarad Helicopter  ah oo  u gacan gashay Al- Shabaab.

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar  kala  duwan ayaa  ka soo baxaya dhalashada muwaadiniin saarnaa diyaarad Helicopter  ah oo ku degtay goob ay ku sugnayeen  kooxda Al- Shabaab ee gobolka  galgaduud.

Diyaaradan oo ay lahayd  howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa saarnaa shaqaalle caafimaad oo u kala dhashay dalal kala duwan waxaana Qaramada Midoobay ay ku baaqday in lagu sameeyo baaritaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in Afar qof oo u dhashay Ukrain ay kamid ahayeen shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahayd Qaramada Midoobay.

“Muwaadiniintayadu waxay xubno ka ahaayeen shaqaalaha helikobter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Aqoonsigoodu waa la ogaaday,” ayuu afhayeen u hadlay Ukraine oo lagu magacaabo Oleh Nikolenko ku soo qoray Facebook.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo arintan ku saabsan oo kooxda Al- Shabaab ay ka soo saareen diyaaradan , mana muuqato warar kale oo dheeraad ah oo laga hayo diyaarada.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa goor sii horeysay u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in sidoo kale ay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa  maalmo ka hor sheegtay in ay wado baaritaan arintan ku saabsan isla markaana  dhawaan ay soo saari doonto , natiijada baaritaanka ay ku  jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.