Malleeshiyaad Macawisley cusub oo ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Malleeshiyaad Macawisley cusub oo ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ceelberde (Raxanreeb) — Waxaa sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana markaan dagaalka kusoo biiray dadka deegaanka Ceelberde ee gobolka Bakool.

Ciidamada deegaanka degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ayaa u diyaar garoobaya ka qeyb qaadashada howgalka degaannada hoostaga degmadaas oo muddo go’donsanaa ee looga saarayo Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee labaxay (caano ka dhan) waxay isugu jiraan dhallinyaro Odayaal iyo haween oo u diyaar ah ladagaallanka Uururka Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen in ay deegaankooda ka xoreyn doonaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Ceelbarde & Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo fagaaro kula hadlay Ciidamada degaanka ayaa uga mahadceliyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaallamaan Al-Shabaab.

Waxaa ay ballan qaadeen inay garab istaag u muujin doonaan Ciidamada degaanka si ay Al-Shabaab guud ahaan uga saaraan degaannada hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka curtay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna kooxdaan wajaheysaa culeyskii ugu weynaa oo sababi karo in laga taqalusi doono.     

Leave a Reply

Your email address will not be published.