Mareykanka oo sheegay in Iran ay sameysan karto hubka Nukliyeerka

Mareykanka oo sheegay in Iran ay sameysan karto hubka Nukliyeerka

Washington (Raxanree) — General Mark Milley, oo ah madaxa taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka, ayaa ku sheegay shir ka dhacay Congress-ka dalkan Khamiistii, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, “markii ay go’aansato”, ay soo saari karto agabka lagama maarmaanka u ah hubka nukliyeerka, in ka yar laba toddobaad.

General Milley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku soo saari karto walxaha fiska ah ee hubka nukliyeerka laga sameeyo wax ka yar laba toddobaad laga bilaabo “waqtiga uu go’aansado” maamulka.

Hannaan sameynta ah, ayaa wuxuu qaadan karaa oo kaliya “dhowr bilood oo dheeraad ah” si loo helo hub nukliyeer ah.

Waxa uu u sheegay guddiga qoondaynta Congress-ka, oo uu goob joog uga ahaa in lagala hadlo miisaaniyadda 2024 ee Pentagon-ka, oo uu weheliyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin.

Wuxuu generalka sidoo kale tilmaamay in Iran ay khatar ku tahay sii wadisteeda taageerada ay u fidiso argagixisada, iyo kuwa raacsan ee Bariga Dhexe, ee Khalkhalka gelinaya gobolka.

Madaxa taliska guud ee ciidamada Mareykanka, ayaa yiri “Siyaasadda rasmi ah, ee Mareykanka, ayaa waxaa ka go’an inuu ka hortago Iran inay hesho hubka Nukliyeerka.

Sargaalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka, ayaa sheegay in militariga wadanku uu Aqalka Cad u soo bandhigay dhowr fursadood, oo ku saabsan sida loogga jawaabi karo Iran mar kasta ,oo ay go’aansato in ay sameysato hubka Nukliyeerka.