Mareykanka oo taageero weyn u fidinaya Soomaaliya

Mareykanka oo taageero weyn u fidinaya Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Mareykanka ayaa taageeraddii ugu weyneyd u fidinaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dalka ay ka jirto xiisad siyaasadeed.

Mareykanka ayaa Soomaaliya, u ballan qaaday lacag dhan $100 Milyan oo doollar ah, taas oo lagu sameeynayo saldhigyo ciidanka millatariga Soomaaliya, si ay ugala wareegaan amniga dalka ciidamada Midowga Afrika ee ATMS, oo dhowaan dalka ka baxaya.

Kulankan Mareykankan iyo Soomaaliya, ayaa dhexmaray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka, Shane L. Dixon.

Labadan masu’ul ayaa kawada hadlay xoojinta dadaallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, ee ka socda dalka, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii ay dhowaan Mareykanka, iyo Soomaaliya, ay kala saxiixdeen heshiis dhanka amniga ah, oo ah dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo shaqeynaya.

Heshiiskaasi, ayaa ciidamada Soomaaliya, ka daboolayaha dhismaha ciidan xooggan oo ATMS kala wareega amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa qeeyb ka ah, dowladda ugu waa weeyn ee sida tooska ah, uga qeeyb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ee ka socda gobollada qaar ee dalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale taageero iyo tababar xooggan ay siiyaan ciidamada loo yaqaanno Danab, kuwaas oo qeeyb ka ah, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.