JABUUTI oo nidaam darro  ugu guurtay fariisimihii ay ku lahayd Beledwayne.

JABUUTI oo nidaam darro  ugu guurtay fariisimihii ay ku lahayd Beledwayne.

Beledwayne (Raxanreeb )-  Ciidanka Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa maanta oo Talaada ah ka baxday  fariisimo ay ku lahayd magaalada Beledwayne.

Ciidankan ayaa la arkayay iyaga oo baneeynayo fariisimahooda magaalada oo ay deganayeen in ka badan 10 sanno si ay ugu qayb qaataan amniga Soomaaliya.

Wali si rasmi ah looma oga sababta keentay in ciidanka Jabuuti ay isaga guureen fariisimahii ay ku lahayeen bartamaha magaalada Baledweyne.

Xogo la helayo ayaase sheegaya in tan ugu wayn ee keentay in ciidanka Jabuti ay baneeyeen – halkaas ay tahay  nidaam daro baahsan oo ka dhalatay in xarumahaan ay ku wada sugan yihiin ciidamo farabadan oo kala taacbacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State.

Maamulka gobolka Hiiraan dhankiisa ma uusan ka hadal   wararkan soo baxaya ee ku saabsan  in ciidanka Jabuuti ay baneeyaan fariisimo  muhiim ah oo ku – yaala magaalada Beledwayne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.