Puntland oo wadatashi ugu yeertay xildhibaanada ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Puntland oo wadatashi ugu yeertay xildhibaanada ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Garoowe (Raxanreeb online) – Puntland ayaa u yeertay xubnaha xildhibaanada labada gole ee ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warqad uu saxiixay Afhayeenka Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa lagu wargaliyay xildhibaannada federaalka inay ku yimaadaan Garowe ugu dambeyn 25ka Oktoobar maalin ka hor furitaanka Kalfadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland.

“Salaan diiirran ka dib, waxaa Sharaf ii ah in aan idinku casumo in aad nagala soo qeybgashaan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo dhici doonta Sabti, 26-ka Oktoobar, 2024.

“Mudanyaal, waxaan idinku boorinaynaa in aad timaadaan ugu dambeyn 25-ka Oktoobar, 2024 maadaama uu Kalfadhigu furmayo 26-ka Oktoobar, 2024. Munaasabadda furitaanka ka dib, waxaan yeelan doonaa kulamo wada tashi oo la xiriira xaaladda guud ee dalka,” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.