Sacdiyo Yaasiin oo la hadashay qaar katirsan culimada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo kala hadlay arrimo ku saabsan hadalladii ay ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi ayaa waxa ay Bulshada iyo Cumimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay Khudabadii ay ka jeedisay  daah-furka ol’olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta, iyada oo xustay hadalladii baraha Bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aan  aheyn mid hal meel u wada socda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Bulshada Soomaaliyeed u sheegtay in aan wada ilaalino Shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacdiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah, waxaana ay markale adkeeysay in laga wada shaqeeyo mid nimada iyo ilaalinta diinteena Suuban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.