Muxuu yahay go’aanka xukuumadda ay ka qaadatay Itoobiya ?

Muxuu yahay go’aanka xukuumadda ay ka qaadatay Itoobiya ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha  wasiirada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah waxa ay kulan deg deg ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho halkaas oo ay  ku gorfeeyeen heshiiska Abiy Ahmed iyo Muusde Biixi Cabdi.

Waxaay go’aankeeda ku sheegeen in shari darro uu yahay heshiiska Badda ee dhaxmaray Ra’iisulwasaaraha Itoobiyo iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Golaha wasiirada ayaa  si adag loogu soo horjeestay heshiiskaas isla markaana waxaa loogu – baaqay Itoobiya in ay faraha kala baxdo arrimaha masiiriga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u diiday ugana soo horjeesatay tallaabada guracan ee dowladad Federaalka Itoobiya ku sheegtay in ay heshiis is afgarad iyo iskaashi kula gashay maamulka Somaliland.

Waxa ay sidoo kale xukuumadda Soomaaliya qaraarka kasoo baxay lagu tilmaamay mid waxbo kama jiraan ah heshiiska lagu sheegay is afgaradka iyo iskaashiga ay shalay gaareen maamulka Somaliland iyo Xukuumadda Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa la tashi deg deg ah ugu yeertay safiirkeeda u jooga dalka Itoobiya , waxa ayna xukuumadda sheegtay in ay sidoo kale soo saari doonto ammarada munaasabka ku ah ilaalinta qarannimadeeda iyo xad-gudubyada ka dhanka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.