Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ka dhacay , munaasabado xilalka ay ku kala wareegayaan wasiiradii hore iyo kuwa cusub.
Wasiiradan cusub waxaa xil wareejintooda ka qayb galay musuuliyiin sare sare oo ka tirsan xukuumadda Saciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale kuwaas oo bogaadiyay sida ay u dhaceen munaasabadaha xil wareejinta ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadaha ay xilka Kula wareegayeen Wasiirada cusub.
Dhinacyada xilalka wareejiyay ayaa soo dhaweeyay saxiibadooda cusub iyaga oo u rejeeyay inay la yimaaan shaqo ay u aayaan dadka reer Puntland.
Xubnaha maanta xilalka ku kala wareegay waxaa ka mid ah :
* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta, Mudane Faarax Cawad Jaamac iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Axmed Bashiir Muuse, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.
* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada , Mudane Cabdullaahi Bile Nuur iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdicasiis Macalim Ibraahim, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.
* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dabiiciga ah Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.
* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Siciid Xasan iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.
* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay dhammaan Wasaaradahan iyo shaqooyinkii ay qabteen,
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxwaynaha maamulka Puntland uu soo dhisay Golaha cusub ee Wasiirada maamulka Puntland.
Leave a Reply