Beledwayne (Raxanreeb )- Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa caawa degan ka dib dagaal qaatay saacado badan oo halkaas ka socday tan iyo xalay.
Dagaalkan waxaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulka Hirshabeelle iyo kuwo kale oo taabacsan maamul la sheegtay in uu yahay Hiiraan State.
Waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah kuwaas oo tira ahaan la sheegay in ay gaaraan ku dhawaad 10 qof.
Magaalada Beledwayne waxaa caawa ku sugan sida wararka la helayo ay sheegayaan ciidanka kuwa la baxay Hiiraan State ee diian maamulka Hirshabeelle.
Gudaha magaalada Beledwayne ee Hiiraan caawa waxaa lagu arkayaa ciidamo taabacsan Hiiraan State sida ay sheegeen dadka deegaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay.
Lama oga sida xaaladu ay isku bedeli doono maadama , wali wax xal ah aan laga gaarin xiisada ka taagan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiirraan.
Leave a Reply