Muqdisho (Raxanreeb ) –Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay aagga Hotel SYL oo saaran xarunta Baarlamaanka iyo Villa Somalia.
Warar ka qaar ayaa sheegaya in gudaha rasaas ka socoto laakiin aan lahaynin cida u dhaxeysa rasaastaas.
Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa marka hore la sheegay inuu ka gudbay goobo aad loo ilaaliyo oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.
Rasaas ayaa la maqlayaa , mana jirto cid sheegatay masuuliyada waxase soo baxaya su’ aalo ku saabsan sida suurtagal ay ku tahay in gadiid ku raran waxyaabaha qarxa uu ka gudbo farimaha ugu adag ee ciidanka Dowladda.
Waxii faahfaahin ah halkaan kala soco.
www.raxanreeb.com
Leave a Reply