Xamsa Barre oo Jabuuti u safray

Xamsa Barre oo Jabuuti u safray

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Waa safarkii Saddexaad oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu uga bxo dalka tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo horay u tegay dalalka Itoobiya & Tunisia

Leave a Reply

Your email address will not be published.