Muqdisho (Raxanreeb )- Wasiir arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in xilli ay Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya oo qudheedu kamid ah gumeysteyaashii halganka lala galay. Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa...
Month: June 2024
Waa sidee maanta oo Jimca ah deeganadii lagu dagaalamay ee Mudug ?.
Gaalkacyo ( Raxanreeb )- Deegaano ka mid ah gobolka Mudug waxaa wali ka taagan xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada degaano gobolka Mudug halkaasShalay deegaanada u dhexeeya Goldogob iyo Saax-qurun , waxaa ka dhacay dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac oo ay barbar socdeen barakac laba dhinac ah. Sida Raxanreeb saaka...
Biden & Trump oo dood adag dhaxmartay- Doorashada Aqalka cad.
New York (Raxanreeb ) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynihii hore ee dalkaas ahna musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ka qeyb galey xaley doodii ugu horeysay ee madaxweyninimo ee doorashada 2024 ee dalka mareekanka. istuudiyaha CNN ee Atlanta, Georgia, ayaa doodaasi Marti galiyey, Doodan ayaa fursad u ah labada musharax inay isku dayaan inay...
Sarkaal katirsan Booliska Soomaliya oo lagu dilay Muqdisho
Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xaafad katirsan degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir inay ku dileen Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya. Sarkaalka Alle ha u naxariistee ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Muuse Xaahi Cumar , waxaana la sheegay in raggii dilka u geystay oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirskiisa...
Jubbaland oo shaacisay Go’aan dalka looga saarayo Al-Shabaab
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya xilligaan ay ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado...
Mareykanka oo ku dhawaaqay War ka farxiyay dowladda Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb) Mareykanka waxaa laga yaaba inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya , sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daaciish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Botswana. Wuxuu taliyaha intaas ku daray ;...
Wasiiro ku baxay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug
Mudug ( Raxanreeb) Kulan hordhac ah oo ay isugu yimiddeen masuuliyiin ka kala socday maamullada Galmudug iyo Puntland oo ay kala hogaaminayeen, Wasiirro kala socday labada maamul kuwaas oo kala ah Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wasiirka amniga Galmudug iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Shirka...
Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada ATMIS iyo dagaal ka dhacay
Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb) Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay degaanka Danow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS & Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada...
Kooxaha ku dagaallamaya Sudan ‘oo gaajada u adeegsada’ hub dagaal
Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi shalay ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan, in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi kala hadlay faragelinta Itoobiya
Muqdisho ( Raxanreeb) Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda...









