Hargaysa (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi ayaa maalmo ka hor saxiixay sharciga doorashada Somaliland ka dib buuq badan oo ka jiray , hanaanka doorashada
Dalalka saxiibada la ah Soomaaliya ee siiya taageerada oo isha ku hayay doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray , war qoraal oo wadajir ah oo ay uga hadlayeen doorashooyinka.
Waddamada Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhammaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka beesha caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in saxeexa xeerarka doorashooyinku ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhaqan dimuqraadiyadeedka Somaliland.
“Waxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka go’naanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.
Waxa kale oo ay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinku ay wada jir u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ahi uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay ee 13ka November 2024ka.
Leave a Reply