Farmaajo oo kulan xasaasi ah la yeeshay xildhibaano katirsan labada aqal

Farmaajo oo kulan xasaasi ah la yeeshay xildhibaano katirsan labada aqal

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu xog wareysi kala yeeshay marxaladda kala guurka ah ee siyaasadda dalka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Madaxweyne hore Farmaajo ka daganyahay Muqdisho ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo uu si faah-faahsan uga warbixiyey kulankaas iyo qorshihiisa.

“Waxaan kulan casho sharaf iyo is-xogwaraysi ah xalay wada qaadannay Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, annaga oo ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, ilaalinta dowladnimada, midnimada iyo maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada booqashada iyo kulanka wadatashi ee ay iigu yimaadeen, anigoo ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in ay mudnaanta siiyaan ka shaqeynta midnimada iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aasaas u tahay ilaalinta dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.