ADIS ABABA : Kumannaan Itoobiyaan ah oo guri la’aan ah + sababta.

ADIS ABABA : Kumannaan Itoobiyaan ah oo guri la’aan ah + sababta.

Adis Ababa (Raxanreeb )- Dagaalka ka dhashay muranka dhulka ee xudduudaha gobollada Tigray iyo Amhara ayaa barakiciyay ku dhowaad 29,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa billowday toddobaadkii lasoo dhaafay wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada labada gobol ee degmada Raya Alamata, oo ay labada dhinacba sheegtaan.

Saraakiisha ku sugan gobolka Amhara ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigray inay duullaan qaadeen, balse maleeshiyadii hore ee Tigray ayaa beeniyay eedeyntan.

Dagaal sokeeye oo labo sano socday ayaa dhammaaday daba-yaaqadii 2022, kadib markii dowladda dhexe ee Itoobiya ay heshiis la saxiixatay ciidamada Tigray.

Degmada Raya Alamata ayaa laga xukumayay Tigray ilaa markii uu dagaalku qarxay 2020, balse ciidamada Amhara ayaa kadib la wareegay.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku kalsoon in dagaalkan uu noqon doono mid muddo kooban socda , islamarkana waxaa uu ku adkeystay in arrintani tahay mid Itoobiya u taalla, balse haddii uu dagaalka sii daba dheeraado waxaa uu saameyn halis ah ku yeelan doonaa guud ahaan gobolka.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool dad gaaraya 110 milyan, islamarkana waa mid ka mid ah dalalka sida dhaqsada ah u koraya, waxa walba oo Itoobiya ka dhacana waxaa uu yeelanayaa saameyn ballaaran .

Leave a Reply

Your email address will not be published.