Laba ka mid ah afar wariye oo u xirnaa muuqaal ay baahiyeen oo muujinaya madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo isku kaadiyey meel fagaare ah bishii Jannaayo ayaa la siidaayey.
Beesha Caalamka ‘’ Deni Waa inaad ka qayb gashaa Shirka madasha-wadatashiga Qaranka ‘’
Beesha Caalamka oo fariin layaab leh u dirtay Madaxwayne Deni oo ka maqan shirka Baydhabo Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu ka qayb galo shirka madasha- wadatashiga Qaranka ee Dowladda iyo maamul goboleedyada. Madaxwayne Saciid Dani ayaa tabashooyin badan ka qaba , hanaanka dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo balanqaadyo...
Shirka maaamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo & Deni oo ka maqan
Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta oo Khamiis ah waxa ka furmay shirka madasha- wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Shirkan inta badan waxaa ka qayb galaya Madaxda maamulada dalka marka laga ireebo , Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Shirka ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga...
Maxay tahay qorshaha ay ka hor timid Puntland ee ay waddo DF
Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.
Liibiya oo laga waayey 2.5 ton oo Uranium ah oo loo isticmaalo hubka Nukliyeerka
Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka ayaa ogaatay in ku dhowaad 2.5 ton oo Uranium dabiici ah in laga waayey goobihii dalka Liibiya ee lagu ogaa, kuwaas oo aan gacanta ugu jirin dawladda dalkaas ka arrimisa, sida ay masuuliyiinta hay’addani u sheegeen wadamada xubnaha ka ah hay’addan Arbacadi.
Madaxda DFS & maamul- goboleedyada oo gaaray Baydhabo , yaa ka qayb galaya shirka
Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer iyo Dowlad Goboleed. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin...
Askar lagu la’yahay howlgalka badbaadinta duufaanta Malawi
Labo askari oo Malawi u dhashay ayaa la waayay ka dib markii doonidii ay la socdeen ay talaadadii ka dagtay aagga koonfurta Mulanje. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu caqabad ku noqday webiga oo fatahay.
Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ruushka iyo Mareykanka oo foodda is daray
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay Talaadadii Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka,, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor.
Maxkamadda ciidanka Qalabka sida oo seddax qof “dil ku fulisay”
Muqdisho(Raxanreeb)Subaxnimadaan, waxaa laga Oofiyay xadkii Qasaasta ahaa Biyamaalow, Jeego & Dhaqtar Fanax, waxa ay sedaxdaba u wada fuliyeen Argagixisada Qaraxyo iyo Dilal. Ilaa seddax qof ayaa Maxkamadu ku fulisay dil toogasha , kuwaas oo lagu toogtay iskuul – Buliziyo ee magaalada Muqdisho. Shaqsiyaadka la toogtay saaka ayaa kala ahaa : 1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow)....
Biixi & Deni miyay isku arkayaan Adis Ababa ?
Adis Ababa ( Raxanreeb ) Dowladda Itoobiya ayaa wada- dadaalo ay ku doonayso in ay ku dhax dhaxaadiso dhinacyada isku haya magaalada Laascanood ee gobolka Sool. Wali ma mira dhalin qorshaha Itoobiya ee xaaladda magaalada laascanood , inkastoo dhinacyo badan ay kala kulmeen sidii xiisadda loo dejin lahaa. Hadda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya...






