Wariyeyaal u xirnaa muuqaal ay ka baahiyeen madaxweyne ‘isku kaadshey’ oo lasii daayay

South Sudan (Raxanreeb) — Laba ka mid ah afar wariye oo u xirnaa muuqaal ay baahiyeen oo muujinaya madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo isku kaadiyey meel fagaare ah bishii Jannaayo ayaa la siidaayey.

Ururka Suxufiyiinta Koonfur Suudaaan ee magaciisa loosoo gaabiyo UJOSS ayaa bayaan ku sheegay in ay soo dhaweynayaan sii deynta Victor Ladu iyo Mustafa Osman.

Bishii Diseebar ee sannadkii hore , muuqaal baraha bulshada ku faafay ayaa muujinayey Mr Kiir oo isku kaadinaya meel fagaare ah xilli ay socotay heesta qaranka dalkaasi.

Markaas ka dib waxaa la xiray lix ka mid ah warbaahinta qaranka dalkaasi uu markii dambe la sii daayey laba ka mid ah mooyee.

“Waxaan ku boorineynaa Dawladdu inay sii deyso Garang John iyo Jacob Benjamin amaba hadii ay jirto kiis ay ka jawaabayaan, maxkamad hallasoo taago,” ayey UJOSS ku tiri bayaanka.

Xarigga ayey dhaleeceeyeen kooxaha xuquuqda oo ay ka mid yihiin Guddiga Ilaalada Suxufiyiinta (CPJ).

Xiritaanku waxa uu la mid yahay “qaabka ay shaqaalaha ammaanku ku u sameeyaan xadhig aan sabab lahayn oo dhaca mar kasta oo uu dhoco wax ay u arkaan in aanu wanaagsaneyn”, ayey tiri wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo xilligaas.