Category: Warar

Home » Warar » Page 734
Villa Somalia oo war ka soo saartay ”Safarka” Xasan Sheekh ee Baydhabo.
Post

Villa Somalia oo war ka soo saartay ”Safarka” Xasan Sheekh ee Baydhabo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

DEG-DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarardheere
Post

DEG-DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay Xarardheere

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay la wareegeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgal qorshaysan ayaa ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kacdoonka waxa ay kula wareegeen degmada Xarardheer. Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa bogiisa Facebook ku daabacay warka ku saabsan in lala wareegay  Xarardheere halkaas oo kooxda Al- Shabaab muddo fariisimo...

MD Xasan  oo gaaray BAYDHABO & war cusub oo ku soo kordhay shirka KGS.
Post

MD Xasan  oo gaaray BAYDHABO & war cusub oo ku soo kordhay shirka KGS.

Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha JFS ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shirka dib u heshiisiinta Koofur galbeed. Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofurgalbeed Mudane Cabdicasiis Maxamad Laftagareen iyo masuuliyiin katirsan maamulkaasi. Magaalada Baydhabo ee...

Maxaa keenay in maanta  uu qabsoomi waayo shirka Baydhabo?
Post

Maxaa keenay in maanta  uu qabsoomi waayo shirka Baydhabo?

Baydhabo (Raxanreeb ) Guddiga Farsamada ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu dib-u-dhac ku yimid shirka, oo maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa qoraal ku sheegay in shirka uu maanta u baaqday arrimo farsamo, balse uu Talaadada si rasmi ah uga furmi doono magaaladaasi. “Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo...

Galcad oo gacanta Al- Shabaab ka baxday.
Post

Galcad oo gacanta Al- Shabaab ka baxday.

Galcad (Raxanreeb ) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah ula wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Howlgal wadajir ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka ayay suurtagal ka dhigtay in  kooxda Al- Shabaab gacantooda ay ka baxdo degmada Galcad ee gobolka galgaduud. Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya...

Sarkaal ka tirsan  Dowladda oo Bajaajle ku toogtay Muqdisho.
Post

Sarkaal ka tirsan  Dowladda oo Bajaajle ku toogtay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wiil Mooto- Bajaajla ah ayaa maanta oo Isniin ah lagu toogtay magaalada Muqdisho , gaar ahaan isgoyska Bakaaraha. Sida ay sheegeen dad xog- oglaa ah  Sarkaal militari  oo ka tirsan Dowladda  ayaa xabad ku dhuftay wiilka bajaajlaha . Gaariga oo sarkaalkan saarnaa ayaa la sheegay inuu doonayay inu furto wadada oo xilligaas...

BAYDHABO : Shirka dib u heshiisiinta KGS oo ka furmaya & Madaxwayne Xasan oo ka qayb galaya.
Post

BAYDHABO : Shirka dib u heshiisiinta KGS oo ka furmaya & Madaxwayne Xasan oo ka qayb galaya.

Baydhabo (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada – Baydhabo ee gobolka Baay , ka furmaya shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed , kaas oo ay isku arki doonaan masuuliyiinta maamulka hadda jira iyo xubnaha mucaaradka. Waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka sida la sheegayna horudhac ah...

Hoobiyaal lagu garaacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Post

Hoobiyaal lagu garaacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Raxanreeb (Maxaas ) Wararka RBC uu ka helayo degaano ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weerar madaafiic ah oo khasaare gaystay. Kooxda Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay beegsadeen goobo ay kaga sugayeen degmada Maxaas ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Kacdoonka. Ciidanka  Itoobiya ee ku sugan...