— Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Erdogan oo warqadaha aqoonsiga ka gudduumay safiirka cusub ee Israel
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga Talaadadii, iyadoo labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka ka dhexeeya sanado xiisad ah kadib.
Booliska Canada oo gacanta ku dhigay tuugo dhacda gawaarida Soomaalida
Booliiska Canada ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay Tobannaan qof oo ku eedeysan in ay yihiin Burcad Gawaarida gaarka loo leeyahay ka dhacda Soomaalida dhalashada labaad ka heysta Dalkaas.
Waddooyinka Muqdisho oo saaka gabi- ahaan xiran & Ismaciil Geele oo imaanaya dalka.
Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa xiran waddooyiin muhiim u ahaa shacabka oo ay ka midtahay: Wadada Maka-Almukarama oo aan la ogoleyn xitaa in dadka ay lugeeyaan. Gaadiidka Beebaha ayaa lagu jaray isgoysyada Dabka, Shaqaalaha, Xaaji-baasto, Taleex, KM4 iyo Zoobe. Luuq kasta waxaa fadhiya askari amar lagu siiyay in dadka ay celiyaan inta aysan laamiga soo gaarin....
Ciidanka Dowladda oo Isgoyska Tarbuunka ku toogtay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamo Booliska Soomaaliya ka tirsan ayaa isgoyska Tarbuunka goordhaweyd ku dilay AUN Mustafa Adan Diriye (Galgaley) oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Dilka ayaa yimid kadib markii ciidamada booliska ay rasaas ku fureen gaari uu watay marxuumka oo ay ka shakiyeen xiligaas oo marayay Isgoyska Tarbuunka. Dad la saarna marxuumka ayaa...
DFS oo hakisay maalinta berri ah duulimaadyada shacabka.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay maalinta berri ah duulimaadyadi shacabka ee garoonka Aaden Cadde sababo la xiriira wufuud ka kala socda Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo dalka imaanaya. Madaxda imaaneysa waxaa ugu sarreeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halka la filayo Kenya inuu ka yimaado wasiirka Difaaca Kenya Aaden Barre Ducaale,...
DEG-DEG : ilaa 4 Hoobiye oo ku dhacay meel u dhaw Villa Somalia.
Muqdisho ( Raxanreeb ) dhawr hoobiye ayaa lagu soo waramayaa in caawa ay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho. Ilaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada halka mid kamid ah uu kusoo dhacay degmada Xamar weyne . Waxyeelada lama oga , mana jirto wax war ah oo ka soo baxay...
Ururka Al-Shabaab ayaa iskaga baxay deegaanka Galcad
Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxay Galgaduud, ayaa sheegaya in Al-Sabaab isaga baxeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobannaan sano ah ay haysteen.
Ilhaan Omar ma waxay dhex-dhexaadinaysaa Dowladda Federaalka & Puntland ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka ayaa socdaal siyaabo kala duwan loo tarjumay ku kala bixinaysa Muqdisho iyo Garoowe. Gabadhan ayaa deegaannada Puntland waxa ay kulamo kula soo qaadatay ismida maamulkaas oo inta badan marka fagaarayaasha la joogo ay kala hadashay geeddi socodka dowladnimo ee maamulka Puntland. Hase...
Gaari weyn oo ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro badan oo ka dhashay.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah aya ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada Jid Mareexaan , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan. Inta la xaqiijiyay hal gabar ayaa shilkaasi ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan toban qof, dadka dhaawacan ayaa qaarkood qaba dhaawacyo culus. Allaha...



