Ciidamo laga soo daabulayo Gedo si loo geeyo Xarardheere

Ciidamo laga soo daabulayo Gedo si loo geeyo Xarardheere

Beledxaawo (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshaha daabulidda ciidanka Gorgor ee Dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gaysay degmooyinka qaar ee gobolka Gedo.

Dhawr xero oo gobolka Gedo ah ayaa lagu soo waramayaa in laga saaray ciidamo fara badan kuwaas oo la isugu geeyay degmada Dolow ee gobolka Gedo si loogu soo qaado magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankan qorshaha laga leeyahay ay tahay in ay ka qayb qaataan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda  gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ciidankan oo hadda ku sugan degmada  Dolow ayaa halkaas loogu soo daabuli doono diyaarado gaar ah oo ka soo dejin doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Arintan waxa maalamaha si aad ah uga hadlayay  xildhibaanno ka tirsan  Golaha shacabka kuwaas oo sheegay in Dowladda xilligan aysan ku haboonayn in degmada Beledxaawo ka soo qaado ciidankaas.

Xildhibaan  kulane Jiif oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ayaa bartiisa Facebook dhawaan ku qoray in ujeedka ciidankaas loo soo qaadayo ay tahay in kooxda Al- Shabaab la wareegto degmada Beledxaawo.

110 askari oo dhowr bilood ka hor laga soo qaaday gobolka Gedo kuna sugnaa magaalada Muqdisho  ayaa dhamaantood loo qaaday dhawaan degmada Xarardheere ee gobolka  Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.