Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah weerar ku qaaday guriga xildhibaan Xadaale oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Ku dhawaad muddo saacado ah ayaa la sheegaya in halkaas rasaas ay isku waydaarsanayeen ciidanka Dowladda ee ka kala tirsanaa ciidanka xaadoole iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Guriga xildhibaanka ayaa ku – yaala degmada Karaan ee magaalada Muqdisho halkaas oo ciidanka Dowladda ay ku weerareen .
Sida aan wararka ku helnay ciidamo isugu jira booliiska iyo kuwa xasillinta ayaa weerar ku qaaday guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka mid ah mudayaasha Barlamaanka Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in weerarkan uu ka danbeeyay kaddib markii ay halkaasi galeen kooxo la sheegay in ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.
Rasaas ayaa laga maqlayay aaga uu ku yaallo guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, labada dhinac ayaana kala helaya gurmadyo uga imaanaya magaalada qeybaheeda kala duwan.
Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa kooxdii badbaado Qaran ee ciidanka Dowladda marar badan kula dagaalamay magaalada Muqdisho kuwaas oo markaas sheegayay in ay diidan yihiin muddo kororsi
Leave a Reply