Nin 74 jir ah ,oo hawlgab ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Ghana ayaa hadda ogaaday in ay qasab tahay in uu sugo 10 sano oo kale ka hor inta aanu Xafiiska Arrimaha Gudaha ka helin deganaansho rasmi ah oo dalka Britain ah, inkasta oo uu ku noolaa ku dhawaad 50 sano.
Day: May 18, 2024
MUQDISHO : Maxkamadda ciidanka oo xukun dil ah ku xukuntay Askari dil hore u gaystay.
Muqdisho (Raxanreeb )- Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta...
Muuse Biixi oo sheegay in Al-Shabaab ay saacado ku qabsan karto Muqdisho
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay xuska 18-ka May ee aas aaska Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.
Safarka Xasan Sheekh oo KENYA oo daaran laba ujeedo oo kala duwan.
Nairobi (Raxanreeb )- Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa safar ku tagay magaalada Nairobi, ee dalka Kenya ka dib markii martiqaad uu ka helay Madaxwaynaha Kenya William Ruto. inkasto aysan faah-faahin Villa Somalia qorshaha safar haddana waxaaa soo baxay warar sheegayo inuu Madaxweynaha halkaasi utagay xoojinta xariirka labada dal iyo arimo quseeyo maamulka Jubbaland. Xasan...
HARGAYSA : Somaliland oo laga xusay 18 May sanad guuradii 33-aad ee gooni isu taageeda
Hargaysa (Raxanreeb )- Xukuumadda Soomaaliland ayaa maanta u dabbaaldegaya sannadguurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga Guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo degmooyinka, ayey isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo u dabaal degayey xuska 18-ka May, oo sanad kasta laga xuso Somaliland. Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhacday fagaaraha loogu...
DENI ”Dhowr qof go’aano ay soo saaraan yaan waqtiga dadka looga dhuminin”.
Garoowe (Raxanreeb )- Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa si cad u sheegay inuu diidan yahay wax ka soo baxay shirka madasha wadatashiga Qaran eek u so gaba- gaboobay magaalada Muqdisho. Madaxwayne Deni ayaa sheegay in wax markasta ay diidan yihiin ay tahay qodobada ka soo baxay shirka maalmaha Muqdisho uga socday madaxda maamulada...
La-taliyaha Amniga Xasan Xuseen Macallin ‘’AS ma dhaafi doonan bilaha soo socda ‘’.
Muqdisho (Raxanreeb )- Xilli dhowaan la filayo in dagaalka ka dhanka Al-shabaab dib loo bilaabo ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in bilaha soo aadan lasoo gabagabeynayo dagaalka kooxda, ciidanka xoogga ayaa waxaa ay soo gabagabeeyeen diyaargarow muddo socday iyo isku shaandheynta ciidanka qeybihiisa. La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in...
GAZA : Israa’iil oo kordhisay duqeynta ay ka gaysanayso Rafax.
Gaza (Raxanreeb )- Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay guri ku yaalla bartamaha magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, halkaas oo ay ku dileen laba qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa. Ma jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegay. Ciidamada Israel ayaa sidoo kale beegsaday deegaanada Janin iyo al-Farahin oo dhanka bari kaga beegan magaalada...
Nuxurka Warmurtiyeedka Golaha wadatasha Qaranka : Muddo kororsi
Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobolleedyada oo maalmahan shir uga socday magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ayaa soo saaray war murtiyeed ka kooban dhawr qodob. Shirka madasha oo uu guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayana ka qeyb-galeen madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland, koofur galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Ra’iisul...