Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid.
Day: May 16, 2024
Soomaaliya oo carabta garab uga raadineysa doonisteeda xubinnimada Golaha Amaanka
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in dalalka Carabtu ay ku garab taagan yihiin Soomaaliya ku guulaysiga kursiga aan jogtada ahayn ee golaha amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo ay tartan ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd.
Ra’isul Wasaaraha waddanka Slovakia oo la toogtay
Ra’iisulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa si xun ugu dhaawacmay dhowr xabbadood oo loogaga dhuftay qeybo ka mid ah jirkiisa Arbacadi, laakin ku xigeenkiisa ayaa warbaahinta u sheegay in uu rumeysan yahay in Fisco uu ka babaadi doono dhaawacyada soo gaaray.
Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyay ciidamada Danab
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska Danab.
XOG : Shirka madasha maxaa ku cusub ?- Qodobo la isku mari la’ yahay wali .
Muqdisho (Raxanreeb )- Shirka madasha wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii sedaxaad oo hoggaamiyaashu ay dood adag ka yeelanayaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka iyada oo aan ilaa iyo hadda laga gaarin wax natiijada ah. Qodoba ugu adag ayaa ahaa , doorashooyinka maamul goboleedyada iyo tan Federaalka ah waxana jira sharuud ay soo bandhigeen...
RW Xamsa Cabdi shir muhiim ah kaga qayb galay Bahrain.
Bahrain (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain, halkaas oo uu kaga qeyb galayo meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda...
BAYDHABO : Dadkii ugu badnaa oo lagu xiray xabsiyada Koonfur Galbeed.
Baydhabo (Raxanreeb )- Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa gacanta ku soo dhigay tiradii ugu badnaa oo dhallinyara ah kuwaas oo ay ku eedayanayaan ku lug lahanshaha falal amni darro. Dadkan ayaa inta badan laga soo qab qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo halkaas oo saacado badan...
Muxuu yahay hubka Mareykanka uu siiyay DFS ee Soomaaliya ?
Muqdisho (Raxanreeb )- Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaaDowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska Xooggu Dalka ee Danab. Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howl-galaan guutada 16aad ee kumaandooska Danab XooggaDalkaSoomaaliyeed, waxaana Taliyaha ciidanku kula wareegay munaasabad oo kooban oo ka dhacday Muqdisho. Sii Hayaha xilka...