Dagaal & Dadaal Nabadeed oo ka socda magaalada Laascanood !!

Dagaal & Dadaal Nabadeed oo ka socda magaalada Laascanood !!

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laasacnood ee Gobolka Sool waxaa wali isku haya dadka deegaanka ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo   ciidanka Soomaaliland , halkaas  oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku barakaceen.

Maanta ayaa lagu  soo waramayaa in  markale halkaas ay isku fara saareen labada dhinac , inkastoo aan la soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay dagaalka maanta halkaas ka dhacay.

Marka laga soot ago dagaalka ka sii  socda magaalada Laascanood oo aan wax xal ah laga gaarin hadana waxa socda dadaalo lagu doonayo in wax lagaga qabto dhibaatada sii socoto ee ka taagan magaalada Laascanood.

Waxgarad ka  tagay magaalada Muqdisho ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisada  wali ka taagan magaalada Laasacnood halkaas oo mudo ka badan laba bil uu ka socdo dagaalka labada dhinac

Waxaa dhaqan gal noqon waayay  xabad jooojin lagu doonayay in magaalada ay noqoto mid ka caagan dagaalada maadaama dad badan ay ku dhinteen  halkaas kuwo kalena ay ku barakeen.

Lama oga sida Odayaashan dadaalka wada ay ugu  guulaysan karaan in nabad ay dhax dhigaan labada dhinac ee isku haya magaalada Laascanood ee gobolka Sool  kuwaas oo doonaya in labada dhinac ay u dab- kala qaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.